23,300 oo arday ayaa u fadhiistay imtixaanaadka dugsiyada dhexe iyo sare

Sida uu shaaciyey Wasiirka Waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole, 23,300 oo arday ayaa maanta u fadhiistay imtixaanada shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare.

Dugsiyada sare waxa u fadhiisanaya 9,300 oo arday halka ay ka dhexena u fadhiisanayaan 14,000. Waa tiradii ugu badnayd ee imtixaan kan oo kale ah u fadhiista taariikhda Somaliland.

Wasiir Geedoole shalay wuxu kormeer ku sameeyey dugsiyada sare ee Somaliland si uu indhihiisa ugu arko qaabka uu imtixaanku u socdo, wuxuna ardayda u ballan-qaaday in caddaaladda imtixaanka la sugi doono.

Qaar ka mid ah aqoonyahanka Somaliland ayaa sannadihii u dambeeyey ku dhalliilayey Wasaaradda Waxbarashada in aanay jirin arday dhacda imtixaanaadkan noocan iyadoo la sheegay in sababtu ay Wasaaraddu sidaas u yeeshaa ay tahay iyadoo ka hortagta in ardayda dhacdaa ay niyadjabaan kadibna tahriibaan.

Hase ahaatee aqoonyahannada arrintan dhalliila ayaa aaminsan in ay taasi niyadjebinayso ardaydii maskaxdoodu wanaagsanayd dedaalkooduna badnaa isla markaana cid dedaali doontaana aanay jirin dooni mar haddaan cidiba dhacayn.

bandhige@gmail.com