“27-ka July wixii ka dambeeya Siilaanyo nina kama xigo dalka” Jamaal Cali Xuseen

Musharaxa Madaxweynenimo ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen wuxu sheegay in aanay xukuumadda aqoonsanayn wixii ka dambeeya 27-ka July, maalintaas oo ku beegan shan sanno kadib markii Axmed Maxamed Siilaanyo loo dhaariyey madaxweynenimada Somaliland.

“27-ka July wixii ka dambeeya Siilaanyo nina kama xigo dalka” ayuu yidhi Jamaal.

Jamaal wuxu waraysi gaar ah siiyey Horn Cable TV wuxuna sheegay in aan xukuumaddan lagu aamini karin qabashada doorashooyin xor ah oo xalaal ah. Wuxu sidoo kale sheegay in sharcigii dalka lagu tuntay wuxuna yidhi:

“Waxaynu maraynaa guurti bilaa sharci ah, baarlamaan bilaa sharci ah iyo dawlad ay sharciyaddeedii in yari ka hadhsan tahay.”

Jamaal wuxu farta ku fiiqay Siilaanyo oo uu ku tilmaamay in uu ku guul-daraystay qabashada doorashada taas daraadeed wuxu sheegay in aanu xukunka khasab ku sii haysan karin.

“Ha ogaadaan in aanay jirin cid dalka khasab ku haysan kartaa. Dawladihii waaweynaa ee dabaabadaha lahaa, ee diyaaradaha lahaa ayaa khasab wax ku haysan kari waayey. Shacabku haddii uu gadoodo waa mawjad oo cid celin karaysaa ma jirto” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Jamaal wuxu sheegay in mucaaridka dulqaadkii ka soo yaraanayo isla markaana aanay u muuqan xal ka soo fool leh dawladdan, taas daraadeedna ay talo isugu iman doonaan si ay u falanqeeyaan wixii mustaqbalka dalka laga yeeli lahaa.

Dhinaca kale Jamaal wuxu cambaareeyey fal garaacis ah oo madaxtooyada dhexdeeda lagula kacay xildhibaan Xasan Cawaale, wuxuna ku sifeeyey fal ugub ku ah Somaliland.

“Baarlamaanku waxay ahayd in ay isku yimaadaan oo ka gadoodaan falkan (lagu garaacay Xasan Cawaale), laakiin baarlamaankii ayaan baarlamaan ahayn. Waa baarlamaan ku-shubasho ah” ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday Jamaal.

Mucaaridka ayaa beryahan dambe ka qaylinayey in xukuumaddu ka baxday heshiiskii 27-kii May xisbiyada iyo xukuumaddu wada saxeexdeen. Hase ahaatee xukuumadda ayaa beenisay waxayna sheegtay in ay ku mashquulsan tahay sidii ay heshiiska uga dhaadhicin lahayd Golaha Guurtida.

Hoos ka daawo waraysiga Jamaal Cali Xuseen.

 

Bandhige@gmail.com