31-ka May saddex dhacdo oo is barkan, xusuus gaar ahna ku leh quulubta Ummadda Somaliland

 

1_ Waxay ahayd malin uu inaga  baxay  mujaahid Adan Shiine oo uu goob kula geeriyooday mujaahid Siyaad oo ka mid ahaa macalimintii dugsiga Faarax Oomaar.

2- Waxay ahayd dhacdadii guda-galkii dalka ee dagaalka lagala hortegey Taliskii  naxariista darnaa ee aan dad iyo duunyo kala reebin laguna tuuray heeryadii gumaysiga.

3-Waxay ahayd dhacdo kale oo taariikhi ah oo dhacday kalana cadaysay in aanay gorgortan geli karin gooni isu taaga Jamhuuriyadda Somaliland, Aftidii shacabka laga qadayna codka Haa la yidhi  97%.

Isagoo noqday  distoor lawada leeyahay oo qaran, qabil iyo qoysba ku badhaadhay dhamaanteed bulshadu walaaha ahi khalad iyo saxna kala saaray.

Waxa beenowday oo aan rabaa inaan hoosta ka xariiqo halku dhagyo ay fidin jireen dhangagalayashu iyo kuwii Somaliland kasoo horjeedey oo ahayd (waa shaadh nin loo tolay oo lagu qiyaasay,  Xataa kuwii sida lahaa ayuu shaadhkii leekaaday) waxaan leeyahay halayska jiro hadalada xanafta leh ee ummadda kala fogaynaya uur ku taaladana reebaya.

 

Waxaan salaamayaa dhammaan shacabka Somaliland gudo iyo dibedba.

Waxaan si gaara u salaamayaa ciidanka qaranka oo aan leeyahay weligiin jira oo jooga.

 

Ramadan karim

Wa bilahi tawfiq

Marwo Kaltum