7 qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen isjiidhkii Xajka

Axmed Aadan Digaal (Axmed Safiina) oo ah wakiilka Somaliland u fadhiya Sucuudiga oo haatan ku sugan xajka ayaa xaqiijiyey dhimashada todoba qof oo ka mid ah xujaaj ka soo jeedda deegaannada Soomaalida.

Axmed Safiina oo VOA u waramayey ayaa sheegay in 4 ka mid ah todobada qof ay ahaa Soomaalida Kiiniya ka yimaadeen, balse sheegay in tirada dhimashada ee xujeyda ku dhimatay isjiidhkii shalay dhacay ee Soomaalida ahi ay ka badan karto in hadda la og yahay.

Axmed Safiina ayaa bartiisa Facebook-ga uu ku leeyahay soo dhigay magacyada dadka Somaliland ee xajka ku dhimatay iyo kuwa ku dhaawacmay ilaa hadda inta ay ogyihiin. Waxaanu u dhignaa qoraalkiis sidan:

Magacyada xujaajta dhimatay ee dalkeena ka soo xajtay waa:

1- Cismaan Maxamed Xaaji Adaan (Buuhoodle)
2- Xalwo Maxamed Jaamac (Buuhoodle)

Xujaajta dhaawacantay waxaa ka mida:

1-Cabdiraxmaan Xuseen (Burco)

Axmed Safiina waxa sidoo kale sheegay in ay wali socdaan dadaalo lagu baadi goobayo tirada rasmi ee xujeyda Soomaalida ah ee ku geeriyootay shilkii shalay dhacay. Taas oo ay wali jiraan xujaaj la laayahay ilaa hadda.

Natiijadii ugu dambeysay ee ay soo saaraan saraakiisha amniga ee Boqortooyada Sucuudigu ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 719 qof ay ku dhimatay isjiidhkii shalay ka dhacay xajka, halka 863 kalena ku dhawaacmeen.

Wixii warar ee ka soo kordhana waxa aad kala socon doontaa shabakada wararka Bandhige,

 

xajka 1

bandhige@gmail.com