856 𝗤𝗼𝘆𝘀 𝗼𝗼 𝗗𝗮𝗻𝘆𝗮𝗿 𝗼𝗼 𝗹𝗼𝗼 𝗤𝗮𝘆𝗯𝗶𝘆𝗮𝘆 𝗞𝗮𝗮𝗱𝗵𝗮𝗱𝗵 𝗮𝘆 𝗥𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶𝗻 𝗸𝘂 𝗤𝗮𝗮𝗱𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻 6 𝗕𝗶𝗹𝗼𝗼𝗱

Hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Somaliland, oo kaashanaysa hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin ee WFP iyo UNHCR, ayaa siwada jira ugu qaybiyay kaadhadh caawimo lagu siinayo muddo 6 bilooda 856 qoys, kuwaas oo isugu jira Qaxoonti iyo soo noqdayaal.

Agaasimaha Waaxda soo noqdayaasha ee hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Rooble Ibraahim Maxamed, ayaa ku wargeliyay inay bakhaarada raashinka kaga qaadan karraan kaadhadhkan rashiin dhammeystiran.

Waxaanu yidhi.“Ujeedada aanu idiinku yeedhnay waa qaybinta mashruuc raashin oo soconaya muddo 6 bilooda, kaadhadh ayaa la idinsiinaya qofkastana bakhaarka ugu dhaw ayuu tagaya, raashinka wax allaale wixii uu doono ayuu ka soo qaadanayaa, dadka kaadhadhkan la siinayaa waa dad ka badan kun qoys, kuwaas oo isugu jira Hargeysa iyo gobollada dalka, WFP waanu u mahadcelinaynaa,” .

Sidoo kale masuuliyiintan hay’addaha WFP iyo UNHCR ayaa sheegay in aanay jirin cid ugu mano sheegan karta dadka kaadhadhka la siiyay.

Gaba-gabadii qoysaskii kaadhadhkan la siiyay ayaa hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha iyo hay’addaha WFP iyo UNHCR uga mahadceliyay.