Abaaraha ku dhuftay Itoobiya oo saameeyey milyanaad qof

Ku dhowaad 4.5 milyam Itoobiyaan ah ayey saamaysay abaaraha baahsan ee ka jira Itoobiya. Dadkan ayaa u baahan gargaar cunno ah deg deg sida ay sheegtay Qaramadda Midoobay.

Goobaha ay abaartu aad ku saamaysa ayaa waxa Gobolada Bariga ee Canfartu degto iyo Gobolada Koonfurta ee Soomaalidu degto. Sidoo kale daaqa iyo biyaha ayaa sii yaraanaya Gobolada badhtamaha iyo bariga ee Oromadu degto iyo Koonfurta ee degaan Tigrayga iyo Axmaaradu.

Qaramadda Midoobay ayaa sheegtay in tirada gargaarka u baahan ayaa korodhay boqolkiiba 55% sannadkan. Dhinaca kale Af-hayeen u hadlay Wasaarada Beeraha Itoobiya Alemayew Berhanu ayaa sheegay in ay hayaan cunno dheeraad ah oo ay u qaybin doonaan dadka, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Itoobiya waxay haysataa kayd cunno oo ay kaga bixi karno xaaladaha deg dega ah, imikana waxaanu bilaabaynaa qaybin cunnooyinka abaaruhu saameeyey.”

Ku dhowaad 44% carruurta ka yar 5 jir ayaa ah qaar ay soo foodsaartay nafaqo darro, sidoo kale ku dhowaad boqolkiiba 28% carruurtaasi ka mid ahi waa qaar miisaankoodu hooseeyo.

Ha’yada Qaramadda Midoobay u qaabilsan carruurta ayaa sheegtay in 264,515 carruur ahi ay u baahan yihiin dawo iyo nafaqayn sannadkan, halka 111,076 carruur ahi ay heleen dawo iyo nafaqayn sannadkan.

bandhige@gmail.com