Abaaro 11:15 pm habeenimadii xalay ayaa dab qabsaday saddex Bakhaar oo ku yaala Suuqa Wajaale.

Ciidamada Dabdemiska Degmada Wajaale ayaa damiyay dabkaas kana hakiyay inuu u gudbo suuqa intiisa kale, oo hanti fara badani taalay, Ciidamada Dabdemiska ayaa ku dadaalay in dabkaas halkii loogu yimid lagu xayndaabo.

Maamulka degmada iyo Ciidamada Booliska ayaa dabkan kala hawlgalay ciidanka Dabdemiska.

Waddo laโ€™aanta iyo cidhiidhiga suuqa wuxuu la mid yahay suuqii waaheen ee gubtay, hadii aan wax laga qabana cidhiidhigaa suuqa, waxay ku dambayn doontaa suuqii waaheen oo kale, iyadoo horena Taliyaha Ciidanka Dabdemisku ka soo saaray digniino sababtaa cidhiidhiga awgeed iyo iska dhawrsanaan laโ€™aan wixii dabka keeni lahaa, horena suuqani dhawr jeer oo hore u gubtay.

Xilliyadan dabayl xagaaga waxaa soo batay halista dabka, gaar ahaan suuqyada ganacsiga, hadaba muwaadin goobtaada ganacsi ama gurigaaga dhigo haanta yar ee dabka lagu damiyo.

Fadlan muwaadin hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom/Somtel 24 ka saacadoodba.