Abaarso Tech waxay xarunta SONYO ku qabatay kulan ganacsi loogu abuurayo 12 hablood

Jaamacadda Abaarso Tech ayaa Isniintii guriga shirarka ee SONYO ku qabatay kulan ay ka soo qayb-qayb galeen 12 hablood oo da’yar ah oo loo abuurayo ganacsiyo yaryar isla markaana la siinayo tabobar ku saabsan sidii uu ganacsigoodu u guulaysan lahaa.

12-kan hablood waxa ay ka soo baxeen 20 hablood oo dhammaystay tabobar abuurista iyo maamulka ganacsiga ah, waxayna ku guulaysteen in la doorto qorsheyaashii ganacsiga ee ay la yimaadeen.

Waxay abuurayaan gabdhahani saddex gacansi oo ay shirkaako ku noqonayaan, waxana la siiyey dhaqaale gaadhaya 12,000 oo Doollarka Maraykanka ah.

Mashruucan oo loogu talo galay in uu horseedo kor-u-kaca hindisaha ganacsiga ee da’yarta waxa Abaarso Tech gacan ka siiyey hay’adda Qaramada Midoobay ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaa UNFPA.

Munaasibaddii lagu furayey kulanka waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday Abaarso Tech, Wasaaradda Waxbarashada, Wasarda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo sidoo kale saraakiil ka socotay dalladda midowga dhallinyarada ee SONYO.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa beryihii u dambeeyey waxa ay ku dedaalayeen sidii ay dhallinyarada shaqo-abuuris ugu samayn lahaayeen taas oo qayb ka ah hadafka nabad-adkaynta ee Heshiiska Cusub, gaar ahaan Hannaanka u Gaarka ah Somaliland ee loo yaqaan “Somaliland Special Arrangement.”

Bandhige@gmail.com