Abwaan Cali Sugule oo ku geeriyooday Imaraadka Carabta, Madaxweyne Siilaanyo oo tacsi u diray

Abwaan Cali Sugule “Dun Carbeed” muddoba xanuun ugu dhakhtar ku yaala Dubia ayaa geeriyooday.

Geerida Abwaan ayaa waxa xaqiijiyey safiirka Imaraadka Carabta Baashe Cawil Cumar. Isagoo geerida ka hadlayana waxay uu yidhi:

 “Waxaan tacsi u dirayaa Abwaan Cali Sugule “Dun-carbeed” oo mar dhoweyd ayuu ku geeryooday magaalada Dubai”

Isagoo hadalkiisa sii waxa uu sheegay in marxuunka maalinta Arbaca  la keeno magaalada Hargeysa, si loogu aaso.

Dhanka kale Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa waxa uu tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay iyo ummadda reer Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay tacsi Abwaanku waxa uu dhignaa sida tan:

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Jam. Somaliland-ba waxa uu dhambaal Tacsi ah u  dirayaa Bahda Fanka iyo Suugaanta, Eheladii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii iyo Guud ahaan shacbiga reer Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaya Geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Abwaan Cali Sugulle Cigaal (Dun-Carbeed) oo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaaladda Dubai maanta oo ay taariikhud tahay 11/01/2016,

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in Abwaan Cali Sugulle uu ahaa Abwaan ay soo wada koreen isla markaana ay taariikho dheer wadaageen, ahaana nin taariikh weyn ku lahaa guud ahaan Ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga, Madaxweynuhu waxa kale oo uu Abwaan Cali Sugulle ku tilmaamay inuu ahaa tiir dhexaad ka baxay fanka iyo suugaanta, taariikh ma guurto ahna uu ku lahaa Qaranka Somaliland iyo shacbigaba.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Bahda fanka iyo Suugaanta, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo.

 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.