Abwaan Maxamed Xuseen “Maanseeye” oo maansooyin ku soo bandhigay Hargeysa

Abwaan Maxamed Xuseen Axmed “Maanseeye” oo ah Abwaan da’a yar ayaa waxa caawa maansooyin cusub iyo kuwa hore uu tiriyey ku soo bandhigay hoolka shirarka SONYO.

Boqolaal dhallinta Hargeysa ayaa waxay kasoo qayb galeen bandhiga suugaantan abwaanka oo uu kaga hadlayey arrimaha bulshada, tahriibka iyo wali maanso uu ka sameeyey baroordiiqdii Alle ha u naxariisa Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaariye”.

Abwaan Maxamed Xuseen Maanseeyee oo sugaantiisa aad loo xiisanayey ayaa waxa uu goobta ka tiriyey maansooyin gaadhaya 13 gabay oo ay ka mid ahaayeee Dhoohanaadi, Isir iyo qaar kaloo badan.

Abwaanku waxa uu madasha ku soo bandhigay Maansooyin badan oo ka hadlaya arrimaha siyaasada, jacaylka iyo arrimaha bulshada. Maansooyinka dhallintii ka qayb gashay madasha soo jiidatay ayaa waxa ka mid ahaa dhoohanaadi oo ahayd maanso ka hadlaysa tahriibka.

Maanseeye 2 Maanseeye 22 Maanseeye dad Maanseeye

bandhige@gmail.com