Abwaan Yuusuf Shaacir oo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ku soo bandhigay buugga Siinley

 

Abwaan Yuusuf Cabdille Cismaan oo ku magac-dheer “Yuusuf-Shaacir” ayaa xalay madal la isku arkay oo ah Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ku soo bandhigay buuggiisa ugu dambeeyey ee Diiwaanka Siinley: Silsiladdii Ay Kacaan Isa Seegeen.

Waxa abwaanka madasha kala qayb-galay isla markaana haddalo ka jeediyey qoreyaal iyo hal-abuur kale oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac, Maxamed Xasan Cali “Waji”, Maxamed Aadan Dacar, Cali-Seenyo, Cabdi Good Abees iyo da’yar xiisaysa suugaanta iyo qoraalka.

Abwaan Yuusuf Shaaci ayaa buugga u soo bandhigay si aad u xirfad sarraysa isla markaana xiiso badan. Waxaanu goobta ku soo bandhigay qisadii ka dambaysay silsiladda Siinley, wixii kala muteen maansooleyaashii Siinley ka qayb-galay iyo xukuumaddii kali-teliska ahayd ee kacaanku, wuxu sidoo kale goobta ku soo bandhigay maansooyinka buugga kuwoodii ugu xiisaha badnaa isagoo markii dambena ka jawaabay su’aalo ay ka-qaybgalayaashu weydiiyeen.

Waa buuggii koowaad ee laga qoray  maansada Siinley  oo wakhtigii ay curatay ay haatan ka soo wareegeen 44 sanno (1972) iyadoo socotay ilaa sannadkii 1973. Waxa ka qayb-galay 18 hal-abuur kala joogay Hargeysa, Burco, Muqdisho iyo Jabuuti oo midkood haweenay ahayd 18 iyagoo tiriyey 29 maanso. Abwaannadaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, Cabdi Aadan “Qays”, Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”, Siciid Saalax Axmed, Cali Saleebaan Bidde, Ibraahim-Gadhle, Maxamed Cabdillaahi Riiraash, Xaaji Aadan Axmed Af-qallooc iyo abwaano kale oo miisaan leh.

Sida uu Abwaanku tibaaxay, Silsiladdu waxay ku soo beegantay wakhtigii uu awoodda lahaa kacaankii Soomaaliyia, waxaana silsiladdan darteed xabsiyo dhaadheer ku mutaystay abwaan Cabdiqays oo 9 sanno ka laacay iyo Hadraawi oo 5 sanno ka laacay.

Hal-abuurkii goobta ka soo qayb-galay waxay Yuusuf ku ammaaneen kartidiisa wax-soo-saar, iyadoo buuggani yahay kii labaad ee uu ka qoro suugaanta Soomaalida. Wuxu hore u qoray buugga “Tolow Colka Jooja” ee laga diyaariyey suugaantii Salaan Carabey. Waxay sidoo kale abwaannadu ku bogaadiyeen Abwaan-Yuusuf awooddiisa maskaxeed iyo xusuustiisa iyo wakhtiga uu u huro weelaynta suugaanta iyo dhaqanka.

Waa markii labaad ee uu buugga Yuusuf-Shaacir ku soo bandhigo Hargeysa isagoo sannadkii horena ku soo bandhigay Huteelka Maansoor.

Diiwaanka Siinley waxa daabacday shirkadda Sagaljet, waxaana lagu daabacay Hargeysa.

Xuquuqda sawirrada waxa iska leh Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa

Bandhige@gmail.com