Abwaankii weynaa Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” ayaa goor dhawayd ku geeriyooday Hargeysa

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, oo lagu tilmaamo Shakespeare-ka Soomaalida ama Boqorka Maansada Soomaalida ayaa maanta ku geeriyooday Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland oo farriin muuqaal ah dadweynaha la wadaagay ayaa tibaaxay in aaska iyo taariikhda abwaanka dib laga soo sheegi doono laakiin hadda farriintiisu ay ku kooban tahay tacsi iyo duco.

Sida ay u badan tahay guddi loo saari doonaa aaska abwaanka, kuwaas oo cayimi doona goorta iyo goobta lagu aasi doono.