Af-hayeen Dhuxul oo xukuumadda ka difaacay warqadda Wikileaks, wasiirkii hore ee Arrimaha Dibeddana canaantay

 

 

 

 

 

 

 

Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa waxba-kama-jiraan ku tilmaamay heshiis la sheegay in ay shaacisay mareegta sirfaafiyaha ah ee loo yaqaan Wikileaks.

Afhayeenku wuxu sheegay in xukuumadda Somaliland ay gaadh ka hayso xornimadii 1960-kii luntay ee haddana dib loola soo noqday 1991-kii, taas darteedna aanay ka suurogelin hoggaamiye Siilaanyo in uu jar ka tuuro.

Afhayeenku wuxu carrabka ku adkeeyey in aanu jirin siyaasi Madaxweyne Siilaanyo uga lexejeclo badan mustaqbalka dalka isagoo Guddoomiyaha Waddani Cabdillaahi Cirro ku tilmaamay nin la shaqaysanayey dawladdii Siyaad Bare ilaa intii ay dhacaysay iyo dabadeedba isla markaana uu Qusul ka ahaa safaaraddii Soomaaliya ee Ruushka.

“Waa arrin la og yahay oo aan xaqiijin u baahnayn in uu Cabdiraxmaan Cirro qusul ka ahaa Safaaraddii Soomaaliya ee Ruushka intii uu Siilaanyo duurka ugu jiray xornimada Somaliland” ayuu yidhi Dhuxul.

Axmed Saleebaan Dhuxul sidoo kale wuxu wax lala yaabo ku tilmaamay in Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen oo ah musharaxa madaxweynenimo ee UCID ay shaki galiyeen daacadnimada Siilaanyo ee la xidhiidha qarannimada Somaliland, walow aanu sii qeexin sababta uu ula yaabay.

Dhinaca kale Dhuxul wuxu canaan u jeediyey wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo uu ku tilmaamay in uu ka hor dhacay jawaabtii Wasiir Xirsi.

“Nin weyn oo qawl ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday. Dr. Maxamed Cabdillaahi waxay ahayd in uu sugo jawaabta Xirsi. May ahayn in uu ka hor dhaco. Waynu og nahay in Xirsi beeniyey in wararka ku saabsan arrimahan” ayuu yidhi Dhuxul.

Wasiir Xirsi ayaa isaguna shalay baahiyey qoraal uu ku beeninayo jiritaanka warkan hase ahaatee Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ayaa Xirsi ku tilmaamay mucaarid ku dhex jira xukuumadda iyo boog ku taal xukuumadda uu ka tirsan yahay.

Mucaaridka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey dalbanayey in la caddeeyo waxa ay ka dhigan tahay warqadda uu faafiyey Wikileaks ee sheegaysa in Somaliland ay heshiis federaal la saxeexatay Soomaaliya. Dadweynaha adeegsada baraha warbaahinta ayaa iyaguna arrintan aad uga dooday iskuna waydaarsaday baraha internet-ka.

Bandhige@gmail.com