Af-hayeenka Madaxtooyada oo faahfaahiyey socdaalkiisii Kanada iyo Maraykanka

Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleeba Dhuxul wuxu qabtay shir-jaraa’id wuxuna ka warramay socdaalkii uu ku tagay waddamada Maraykanka iyo Kanada, halkaas oo uu kaga qaybgalay xuska 24-guurada markii ay Somaliland xorriyaddeeda kala soo noqotay Soomaaliya, 18 May 1991.

Af-hayeenka Madaxtooyadu safarkiisa wuxu ka bilaabay Kanada, kadibna wuxu u gudbay Maraykan wuxuna ka qayb qaatay munaasibado dhawr ah oo ay qabanqaabiyeen jaaliyadaha Somaliland ee Waqooyiga Ameerika.

Wuxu sheegay Af-hayeenku intii uu maqnaa in uu la kulmay jaaliyado door ah ugana warramay arrimaha Somaliland. Haddalladiisii waxa ka mid ahaa:

  “Jaaliyadaha waxa uga warramay wixii dalka u qabsoomay iyo horumarka lagu tallaabsaday oo ah wax lagu farxo oo qof kasta oo reer Somaliland ahi meel kasta oo uu joogo ku faani karo”

Afhayeenku wuxu intaas ku daray “waxaan ku booriyey dadkii aan la kulmay in aqoonta iyo maalka ay tabcadeen dalka lagu soo celiyo, waayo waxa aynu guulaysan karnaa marka aynu mid noqono, waxaynu qarankan u abtirin karnaa una hiilin karnaa marka awooddeena gudaha iyo ta dibedda isku darno. Ma kala maarmi karno, mana ilaawi karno kaalinta ay dadkeena dibeddu ku leeyihiin horumarka waddanka ka socda.”

Jaaliyadda Maraykanka
Sawir hore: Jaaliyadda Washington DC oo qado-sharaf u samaysay Afhayeen Dhuxul

Afhayeenka Dhuxul mar uu ka hadlayey siyaasadda arrimaha dibbedda waxa uu sheegay in ay tahay markii ugu horaysay ee xukuumaddu u bandhigtay beesha calamka qadiyadda Somaliland wadahadallona lala Soomaaliya kuwaas oo Somaliland ku gar naqsanayso.

Mar ay suxufiyiintu waydiiyeen sababta uu Madaxweyne Siilaanyo uga jawaabi waayo su’aalaha saxaafadda, wuxu yidhi Af-hayeenku:

“Waxaa la idiin samayn doonaa saaxad aad Madaxweynaha su’aalo ku waydiisaan, laakiin waxaa la idinka baahan yahay in aad si masuuliyad ku jirto aad u dhaqantaan su’aalihiinuna aanay caadifad noqon laakiin ay noqdaan qaar wax soo kordhinaya.”

Bandhige@gmail.com