Af-hayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Xiiray oo ka hadlay xadhiga Salaadiinta iyo fanaantiina

Af-hayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray ayaa markii u horeysay ka hadlay madaxdhaqmeed iyo fanaaniin ay xukuumaddu xidh-xidhay.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray Oo khadka taleefanka ugu waramay Hadhwanaag isagoo ku sugan Itoobiya gaar magaalada Adisababa, Suldaanku waxa uu yidhi isagoo ka hadlaya xadhigaas:

“Waxaan doonayaa in aan ka hadlo Salaadiinta xidh-xidhan Suldaan Mawliid Sabayse, Boqor Raabi Yuusuf iyo Wailba Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub, dhamaan Madax-dhaqmeedkaas in la sii daayo ayaan xukuumada ku odhan lahaa, Suldaankun ma mudna in la xidho, waxay inaga mudan yihiin sharaf iyo cisi.”

Sidoo kale waxa uu Suldaan Xiiray ka hadlay xadhiga afar fannaan oo ka tirsan kooxda Xidigaha Geeska oo ay xukuumaddu xidhay ka dib markii bandhig faneed ku soo qabteem Muqdisho, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Sidoo kale waxaan leeyahay fanaaniinta Xidigaha Geeska iyagana hala sii daayo, oo xoriyadoodii in loo soo celiyo ayaan xukuumadda ugu baaqayaa, xadhigu xal maaha, waxaan kale dadweynaha reer Somaliland farayaa in ay qaranimdadooda iyo amnigooda ilaashadaan.”

Sido kale Af-hayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray waxa uu hambalyeeyay shirka u qabsoomay Beelaha Galbeedka Iyo Beelaha Bariga Hargeysa Waxaanu yidhi:

“Waxaan hambalyeeynayaa Beesha Galbeedka Iyo Beesha Bariga  Hargeysa, labadaa Beelood ee walaalaha ah xalka dalka iyo nabad-galyadiisa ay ka wada hadleen waa ku mahadsan yihiin waxaana hoggaaminaayay nimaan salaadiin ah waan soo dhawynayaa waanan ku taageersan ahay.”

Dhanka kale Suldaan Xiiray waxa uu bogaadiyey heshiiska dhex maray dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxa kale oo aan soo dhawaynayaa heshiiska labada dawladood ee Somaliland Iyo Itoobiya dhexmaray oo aan leeyahay waa wax wanaagsan in xidhiidh fiican ina dhex maro hadalkayga waxaan ku soo gabagabayn lahaa hala soo daayo Salaadiinta Iyo Waliba Fanaaninta.”

bandhige@gmail.com