“Afgaanistaan waxaanu u nimid in aanu ka daba tagno kuwii na soo weeraray 11 September, umaanaan tegin in aanu dhisno qaranka Afgaanistaan, shaqadaasina waxay dhammaatay 10 sanno ka hor” Joe Biden

President Joe Biden speaks about Afghanistan from the East Room of the White House, Monday, Aug. 16, 2021, in Washington. (AP Photo/Evan Vucci)

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa markii koowaad ka hadlay xaaladda Afgaanistaan. Wuxu ku adkaystay go’aankii uu kaga saaray ciidamada Maraykanku in uu sax ahaa, laakiin aanay filayn in dawladda Afgaanistaan u dumi doonto sidan dhakhsaha ah.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in ujeeddooyinkii ay Maraykanku u galeen Afgaanistaan 20 sanno ka hor ay ahaayeen kuwo cayiman, kuwaas oo ah in ay Afgaanistaan kaga daba tagaan kuwii iyaga weerarka ku soo qaaday 11kii September 2001dii, isla markaana ay meesha ka saaraan in ay weerar dambe ku soo qaadaan dadka Maraykanka. Ujeeddooyinkaas ayuu Madaxweyne Biden ku sheegay in la gaadhay 10 sanno ka hor.

Joe Biden wuxu sheegay in uu fulinayey heshiis uu Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump uu la galay Daalibaan kaas oo dhigayey in ciidamada Maraykanku ka dhammaadaan Afgaanistaan 1dii May.

“Haddii aanu sii joogi lahayn, waxaanu cagaha la geli lahayn dagaal kale oo sii daba dheeraada oo lala galo Afgaanistaan, kaas oo aanaan hadda diyaar u ahayn” ayuu yidhi Biden.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in ay 300,000 oo ciidamada Afgaanistaan ah si la yaab leh u tababareen kuna qalabeeyeen qalabka ugu sarreeya. Hase ahaatee wuxu sheegay in Afgaanistaaniyiintu ay diideen in ay difaacaan dalkooda, sidaas daraadeedna aanay ka filan karin in Maraykanku u difaacaan dalkooda.

“Tabobar iyo qalab waad bixin kartaa, laakiin niyad lagu dagaalamo ma bixin kartin. Afgaanistaaniyiintu way la iman waayeen niyad lagu dagaalamo” ayuu yidhi Biden.

Biden ayaa sheegay in ciidamada Afgaanistaan ay ka tiro badnaayeen kana awood badnaayeen waddamada ay Maraykanka iskaashiga kala lahaayeen dagaalkan qaarkood, laakiin ay la yaabeen sida degdeg ah ee ciidankaasi u burburay.

Biden wuxu fashilaadda degdegga ah wax ka saaray Madaxweynihii Afgaanistaan ee baxsaday Ashraf Gaani. Wuxuu sheegay in Gaani uu qaadan waayey talo kasta oo Maraykanku u soo jeediyey, xataa ha noqoto talooyinkii loo jeedinayey toddobaadyadii iyo bilihii ugu dambeeyey.

bandhige@gmail.com