Africa: Dalalka Cudurka Ebola laga helay oo Kaalmo weydiistay caalamka

Madaxweynayaasha dalalka Liberia, Guinea and Sierra Leone ayaa beesha caalamka weydiistay sideed bilyan oo doolar oo gargaar iyo in loo dhaafo deymaha lagu leeyahay, si ay uga caawiyaan dalalkooda ka soo kabsashada dhibaatooyinkii uu u geystay cudurka Ebola.

Sedexda madaxweyne ayaa u sheegay madaxda ururka horumarka caalamka oo ku sugan Washington, in dhaqaalahoodu uu curyaamiyay cudurkaasi si taasi wax looga qabtana ay u baahan yihiin oo kaliya barnaamij hormarineed oo ballaaran.

Bangiga adduunka ayaa sheegay in uu u raadinayo dalalkaasi lix boqol iyo konton milyan oo doolar oo dheeraad ah taasi oo ka dhigeysa wadarta ilaa haatan lagu bixiyay xanuunka Ebola hal dhibic lix bilyan oo doolar.