Agaasimaha Abaabulka iyo Wacyi-galinta Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka oo wacyi-galin u qabtay Ciidamada….

Agaasimaha Abaabulka iyo Wacyi-galinta Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka oo wacyi-galin u qabtay Ciidamada Socdaalka,Ilaalada Xeebaha iyo Iskaashatada Gaadiidka Waawayn ee Magaalada Lawya-caddo ee G/Selel.

 

Lawya-caddo:- Agaasimaha abaabulka iyo wacyigalinta komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka iyo xubno ka mid ah komishanka oo maalmihii u danbeeyay wacyigalin ballaadhan ka waday gobolka Selel iyo deegaanada hoos yimaada ayaa saaka wacyigalin ballaadhan u sameeyay ciidamada socdaalka ee G/selel iyo iskaashatooyinka gaadiidka ee isaga gudba dalalka Somaliland iyo Djabouti.

 

Kulankan wacyigalinta ah oo ay kasoo qaybgaleen taliyaha socdaalka ee Lawyacaddo,taliyaha ilaalada xeebaha,guddoomiyaha degamada iyo madaxda gaadiidka waawayn ee isaga gudba wadamada Somaliland iyo Jabuuti ayaa waxay si qoto-dheer u wacyigaliyeen bulshada deegaanka iyagoo kula dardaarmay inay isbaadhaan islamarkaana aan la takoorin dadka la nool xanuunka HIV/AIDS-ka,waxa kale oo ay sharraxaad faahfaahsan ka siiyeen bulshada ay wacyigalinta u sameeyeen siyaabaha kala duwan ee laysugu gudbiyo,iyo hababka kala duwan ee uu ku gudbo.

 

Agaasimaha wacyigalinta iyo abaabulka komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka Maxamed X.Yaasiin Siciid oo madasha hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in lasoo dhaweeyo dadka la nool xanuunka islamarkaana laga ilaaliyo takoorka ay la kulmaan,waxaanu agaasimuhu intaa ku daray in komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ku markasta xilwayni ka saaranyahay sidii loo joojin lahaa takoorka bulsho-waynta reer Somaliland-na loo faham siin lahaa hababka kala duwan ee uu ku gudbo xanuunka HIV/AIDS-ku.

 

Dhinaca kale masuuliyiinta kulanka ka qayb gashay oo iyaguna madasha ka hadlay ayaa iyaguna agaasimaha komishanka wacyi-galinta iyo abaabulka ee komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka uga mahadceliyay safarka dheer ee uu usoo galay sidii bulshada loo gaadhsiin lahaa wacyi-galintan ku saabsan joojinta takoorka bulshadu la kulanto,iyo sidii ay u bari lahaayeen qaababka kala duwan ee uu xanuunkani bulshada ugu kala gudbo,waxaanay ballanqaadeen in wacyigalintan la siiyay ay sii gaadhsiin doonaan dadka deegaanka.