Agaasimaha Cisbitaalka Hargeysa oo Tababar u soo xidhay Shaqaalaha ka hawl-gala qaybta Payment Wards

Hargaysa:- Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Hargaysa ayaa Maanta oo Axad ah u soo xidhay tababar socday Mudo Laba cisho ah oo loo qabtay shaqaalah ka Hawlgala dhakhtarka gaar ahaan qaybta Payment Wards.

Tababarkan oo ku saabsanaa xeerka anshaxa Shaqaalaha (Clinical handover and code of ethics) ayaa waxa ka faa’idaysteen 26 ka mid ah shaqaale Cisbitaalka Hargeysa, gaar ahaan qaybta waadhka Payment-ga

Ugu danbayn Waxa Tababarkan u soo xidhay Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeisa Dr. Abdirahman M. Osman, kaasi oo shaqaalaha Tababarkan qaatay kula dardaarmay inay shaqada ku dabqaan wixii ay halkan ka barteen.

Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha Cisbitaalka inay ilaaliyaan anshaxa iyo akhlaaqda, si wanaagsan ula dhaqmaan qofka bukaanka ah ee ay u adeegayaan.