Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo xilkii la wareegay

Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Cabdiraxmaan Maxamuud Abdeeq  ayaa si rasmi ah xilkii ugala wareegay Agaasimihii hore ee wasaaradaasi Maxamed Xasan Siciid.

Munaasibada xil wareejinta oo lagu qabtay Hudheelka Maansoor ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka, ku-xigeenka, shaqaalaha wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo dadweyne kale oo ka kala socday qaybaha bulshada.

Ugu horeyn waxa ka hadlay xaflada xil-wareejinta Agaasimihii hore Maxamed Xasan, waxaanu yidhi:

“Waxa  uu xilkan madaxweynuhu ii magacaabey 2013 bishii Julaay, waxaanay aheyd shaqadii saddexaad ee uu Madaxweynuhu ii magacaabo  muddadii ay xukuumaddani jirtey, runtiina xilalkaas la ii magacaabey waxa ay ahaayeen qaar la igala tashadey oo aan wax badan ka ogaa inta badana dalab aan anigu dalbadey ku yimid. Maanta xilkan aan wareejinaayo waa xil aan anigu gartey in aan wareejiyo  muddana aan ku  hawlanaana in xilkan cidii qaban laheyd ee hanan laheyd aniga dabadey  loo soo magacaabo,   dhawr jeerna Madaxweynaha aan u gudbiyey istiqaaladeed  waxanan maanta ku faraxsanahay in xalkii loo soo magcaabo Cabdiraxmaan Maxamuud Abdeeq  oo aan is  leeyahay waa  masuul hanan kara shaqadan  waxaanan leeyahay ku soo dhawoow.”

Intaas ka dib waxa ka hadlay xaflada xil-wareejinta Agaasimaha cusub ee loo soo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Cabdiraxmaan Maxamuud Abdeeq waxaanu yidhi:

“Marka hore  waxaa mahad iska leh Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo gartey in uu xilkan ii magacaabo xukuumaddan waxaan odhan karaa waa xukuumaddii dhallinyarada, waxaana aad ka garan kartaa waxaa xilka igu wareejinaya nin dhallinyaro ah waxaana la wareegaya aniga oo ah nin dhallinyaro ah. Runtii waxaan ku dadaali doona sidii aan uga soo bixi lahaa xilkan la ii magacaabey, dhammaan shaqaalaha wasaaraddana waxaan rajaynayaa shaqo wacan.”

Xafladan xil-wareejinta ahayda ayaa waxa soo afmeeray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo hadalo kooban oo dardaaran iyo soo dhoweyn ah ka jeediyey madasha, waxaanu hadaladiisa ku bilaabay:

“Waxaanu aad iyo aad u soo dhaweynaynaa Cabdiraxmaan Abdeeq  Agaasimaha cusub ee wasaaradan loo soo magacaabey, waxaana sidoo kale si kalgacal ah aanu u sii sagootinaynaa Maxamed  Xasan Siciid oo aad iyo aad  noola shaqeeyey runtiina   Maxamed isaga ayaa talada goostey in uu shaqada ka tago  istiqaaladiisi mar hore ayuu dhiibey, aniga iyo Madaxweynaha ayuu noo dhiibey, balse waxa aanu ka codsaney in uu  in yar nala sii joogo aad iyo aadna waan kuugu mahad naqeynaa in aad naga ajiibtey  oo aad arrinkaas aan kula nimid aad naga aqbashey maantana aad iyo aad baanu ugu faraxsanahay in uu  badelkiisii oo Cabdiraxmaan ahi nala joogo waxaana aanu leenahay soo dhawoow cabdiraxmaan.”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa waxa uu ugu danbayntii xilalka u kala wareejiyey Agaasimaha cusub iyo Agaasimihii hore ee xilka tegay.

bandhige@gmail.com