Agaasimaha Cusub ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha Iyo Hor-u-marinta Kalluumaysiga Somaliland

Agaasimaha Cusub ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha Iyo Hor-u-marinta Kalluumaysiga Somaliland Cabdirisaaq Maxamuud Maxamed, ayaa xilkii kala wareegay agaasimihii hore ee Wasaaraddaasi Dr Axmed Cali Maax.

Xil wareejinta labada masuul waxa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Hor-u-mrinta Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed iyo muddan iyo marti sharaf kale.

Agaasimihii hore ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Dr. Axmed Cali Maax iyo sidoo kale Agaasimaha cusub ee wasaaraddaas Cabdirisaaq Maxamuud Maxamed ayaa u mahadceliyey shaqaalaha iyo Maamulka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Hor-u-marinta Kalluumaysiga Somaliland, iyaga ka warbixiyey waxyaalihii usoo qabsoomay ee u fulay Agaasimihii hore ee wasaaradda iyo waxyaalaha u qorshaysan agaasimaha cusub ee xilka la wareegay.

Gaba- gabadii Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Hor-u-marinta Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa uga mahadceliyey agaasimihii hore ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Hor-u-marinta Kalluumaysiga sidii uu ula soo shaqeeyey muddadii ay wada shaqaynayeen iyo shaqooyinkii uu qaranka u soo qabtay, agaasimaha cusubna soo dhaweeyay.