Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu wuxu Tababar u furay dhallinyaro baranaysa wadaniyada iyo mutadawacnimada

 

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu Maxamed Cabdilahi Saciid “Khaawi” wuxu tababar u furay 28 dhallinyaro ah oo baranaya waddaniyada iyo  mutadawacnimada, tababarkan ayaa lagu qabtay hudheelka Imperial.

Tobobar waxa uu socon doonaa muddo saddex cisho, waxaana iska kaashaday Wasaarda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Hayada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dadweynaha ee magacadeed loo soo gaabiyo UNFPA.

Ujeedada Tobobarka oo ku saabdanaa sidii Dhalinyarada logu dhiirigalin lahaa muhiimada mutadawacnamda ay leedahay. Intii tababarku socday ayaa waxa lagu lafaguri doo sidii dhallintu hormuudka uga noqon lahaayeen arrimaha bulshada iyo sidii kale ay dhallinyarada iska wacyi gelin lahay khatar bulwadaha.

Sidoo waxa tababarkan aad looga doodi doonaa khataraha uu leedahay iskooxaysiga dhallinyarada oo sababa inta bay ay ku kacaan kufsi iyo jid-gooyo ay u sameeyaan haweenka iyo hablaha.

bandhige@gmail.com