Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa furay shirkii 23aad ee guddida farsamo ee Maamul daadejinta.

Waxa Boorama ka furmay shirka 23aad ee Guddida heer farsamo ee Maamul daadejinta, kaaso lagu gorfeeyo horumarinta adeegyada aasaasiga ee bulshada loona, iyadoo loo marayo hirgalinta nidaamka maamul daadajinta qaranka.

Shirkan waxa ugu muhiimsanaa ka midho dhalinta maamul daadejinta waxbarashada degmoyinka iyada oo la raacayo nidaamka iyo shuruucda dalka.

Waxa sidoo kale lagu gorfeeyay caqabada ku gedaaman guud ahaan nidaamka maamul daadejinta.

Shirkan waxa Gudoomiyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha,waxaana kasoo qayb galay Agaasimayaasha Wasaaradaha Maaliyada, Caafimaadka, Hawlaha Guud, Qorshaynta, Biyaha iyo Waxbarashada. Waxa sidoo kale kasoo qayb galay Maayarada degmooyinka Borama, Hargaysa, Berbera Gabiley, Sheikh, Zaila iyo Oadwayne.
Waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Garyaqaanka guud ee qaranka.

Xigasho = Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

Bandhige@gmail.com