Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudduhu waxa uu kulan la qaatay shaqaalaha wasaaradda

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland  Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur ayaa waxa uu saaka  kulan is barasho ah la qaatay shaqaalaha wasaaradda Arrimaha Guddaha.

Agaasimaha  Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee Gobolada, Degmooyinka  iyo Dawladaha Hoose ee Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur  oo laba cisho ka hor la wareegay xilka Agaasimaha wasaaradda Arrimaha Guddaha.

Ugu horeyn waxa uu shaqaalaha wasaaradda u jeediyey khudbad dhiir gelin iyo dardaaran u badan, sidoo kalena waxa uu ugu bushaareeyey shaqaalaha wasaaradda in aanu kala xigtaysan doonin, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaad iga filataan in aanan idiin kala eexan, idina soo kala dhaweysan isla markaana aanan qofna qof u maqlin, qof walba aan ku qiimeeyo shaqadiisa iyo sida uu uga soo baxo.”

bandhige@gmail.com