Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda oo Xadhigga ka jaray Xafiiska Wasaaradda Cadaaladda ee Gobolka Hawd

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Caddaaldda JSL Md. Ismaciil Saleeban Maxamed (Bawkax), ayaa xadhigga ka jaray xafiiska Wasaaradda Cadaaladda ee magaalada Balligubadle ee Gobolka Hawd.
Agaasimaha oo ay weheliyaan masuul
Waaaaradda Cadaaladda ka tirsan, ayaa xafiiska ka furay Magaaladda Balliguba ee Goboka Hawd.
Md. Bawkax iyo weftiga uu hoggaaminaayo, ayaa sidoo kale soo kormeeray Xabsiga Gobolka Hawd ee Balligubadle, Maxkamadaha iyo
nootaayooyinka sharci.
Xafladda Xadhig ka jarka xafiiska
Wasaaradda Caddaaladda ee Balligueadle, waxa kagaybgalay Badhasaab-kรบ-xigeenka Gobolka Hawd Khadar, Xoghayaha Gobolka Maxamed Faarax Sugaal, Xildhibaano golaha degaanka ah, cuqaal,
dhalinyaro iyo waxgaradka Gobolka Hawd:
Agaasime Bawkax, ayaa sheegay
Wasaaradda Caddaaladdu diyaar u tahay in gobolka Hawd lagu daadejiyo adeegyada caddaladeed.
Isu-duhuwaha Gobolka Hawd ee
Wasaardda Caddaaladda Cabdiโ€™casiis
Ismacil Jaamac, ayaa tilmaamay in gobolka y ka jiraan caqabado badan oo dhanka adeegyada kala duwan ee caddaaladda, diyaarna uu u yahay inuu bulshada gobolka Hawd ugu adeego si daacada
Taliyaha Xabsiga Dhamme Haruun Xuseen, ayaa weftiga Wasaaradda Caddaaladda uga warbixiyey xaaladda Guud ee xabsiga isla markaana tilmaamay in loo baahan yahay in Xabsiga laga hirgeliyo nidaamka dhaqancelinta da yarta sharciga khilaafta.
Dhammaan masuuliyiinta, waxgaradka iyo dhallinyarada gobolka, ayaa soo. dhaweeyey xafiiska.Wasaaraddu ka furatay Gobolka Hawd, iyagoo Wasaaradaha kalena u soo jeediyey in ay maamul daadejin sameeyaan oo gobolka soo gaadhsiiyaan adeegyada aasaasiga ah.