Agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud ,dhulka iyo Guryeynta ayaa maanta tababar ufuray Shaqaalaha…

Agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo Guryeynta, Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf, ayaa maanta tababar ufuray Shaqaalaha Waaxda Maamulka Guryeynta.

Tababarkan maanta loo furay Shaqaalaha Waaxda Maamulka Guryeynta, waxa soo qaban qaabisay Waaxda Cududa Shaqaalaha ee Wasaaradda, tababarkan ayaa waxaa bixin doona macalimiin kala duwan.

Tabarkan oo socon doona muddo saddex cisho ah ayey Shaqaalaha Waaxda Maamulka Guryeyntu ku baran doonaan qaabka kiro ururinta kaas oo khibrado GPS, GIS, Google Earth, iyo qaabka Naqshadaha loo Sameeyo.

Ugu danbayn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf, ayaa shaqaalaha Waaxda Maamulka Guryeynta ku dardaaray in mudada tababarkan socodo inay ka faa’ideystaan, isla markaana cilmiga ay bartaan ay ku dabaqaaan shaqooyinka ay qaban doonaan.