Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland yaa maanta magaaladda Borama ka daah-furay Nidaamka kaydinta Xogta Caafimaadka

Borama: September-06-2023 Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa maanta magaaladda Borama ka daah-furay Nidaamka kaydinta Xogta Caafimaadka oo ay wasaaradda kala shaqaysay hirgelintiisa Sanduuqa iskaashiga Caalamiga ah ee Tiawan (ICDF).
madasha lagu daahfurayay mashruucan oo si heersare ah looso agaasimay ayaa waxaa kasoo qaybgalay gudoomiyaha gobolka awdal, Maayarka dagmada Borama, Safiirka Safaaradda Taiwan, agaasimaha waaxda Cusbitaalada, isuduwaha Caafimaadka gobolka awdal Shaqaalaha Caafimaadka ee gobolka mudan iyo marti sharaf kale.
waxaa halkaa hadalka iska daba qaatay dhamaan masuuliyiintii kasoo qaybgalay madasha lagu daahfurayay mashruucan iyagoo dhamantood si isku mid ah hoosta uga wada xariiqay muhiimada uu nidaamkan Cusub u leeyahay kaydinta xogta caafimaadka ee cusbitaalada dalka,
agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye oo dhankisa ka waramay hirgelinta nidaamkan iyo marxaladihii uu soo maray ayaa sheegay in uu nidaamkani wax weyn ka badali doono habkii loo kaydin jiray xogta Caafimaadka ee bukaanka, isagoo u mahadceliyay Safaaradda Dalka taiwan iyo Sanduuqa iskaashiga Caalamiga ah ee Taiwan (ICDF) oo si weyn uga qaybqaadatay hirgelinta nidaamkan.