Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka JSL, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye iyo qaar ka mid ah khuburadda wasaaradda ayaa sheegay in wacyigelintii ay ka sameeyeen xumadda dalka ka jirta ay meel fiican marayso.  

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka JSL, ayaa sheegay iyaga oo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada, dowladdaha hoose iyo laamaha kala duwan ee dowladda ay sameeyeen olole lagu buufinayo Kanneecada.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay wadaan dadaalo lagaga hortago xannuunada ay keento Kanneecadu, sida Xumada daran ee dalka ka jirta.

Geesta kale waxa uu bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan kooxaha caafimaadka ee ku hawlan buufinta iyo wacyigelinta Kanneecada, sidoo kale waxa uu bulshada ka codsaday in dowladdaha hoose ay kala shaqeeyaan ololaha lagu buufinayo Kanneecada, waxaanu tilmaamay in Kanneecadu ay ka dhalankarto goobaha biya fadhiisinka, qashin qubka iyo weelka biyaha lagu kaydiyo.