Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Mohamed Osman Saeed ayaa ka qayb galay shir caalamiga ah ee Ganacsiga iyo Maalgashiga qaaradda Afrika

Agaasimaha guud ayaa ka jeediyay shirka khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa taasoo ku saabsanayd maalgashiga somaliland iyo sida ay somaliland muhiim ugu tahay istaraatiijig ahaa geeska africa, guud ahaan afrika iyo caalamkaba hadday tahay dhanka iskuxidhka ganacsiga qaaradda iyo dhanka maalgashigaba.

agaasimaha guud uu tilmaamay inay sharaf u tahay in uu Somaliland ku Metelo shir heerkan ah oo wadamo badan ay isugu yimaadeen kaasi oo ah shirka ganacsiga iyo maalgashiga Afrika 2023 ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

waxaanu Agaasimuhu ku dheeraaday in Somaliland ay tahay waddan leh awood dhaqaale oo ballaadhan iyo fursado ganacsi oo baaxad leh oo lagu horumarinayo suuqyo cusub.
Marka laga soo tago in ay ku barakeysan tahay kheyraad badan oo dabiici ah, dhaqaale si degdeg ah u fidaya iyo dabaqadda dhexe oo sii koreysa, waxa ay sidoo kale caan ku tahay buu yidhi Agaasimuhu soo dhaweynta muwaadiniinta reer Somaliland u fidiyaan cidkasta oo danaynaysa ka faaiidaysiga fursadaha dihin ee maalgashi ee somaliland yaalla., Iyo in Somaliland ay leedahay nidaam adag oo xuquuqda maalgashiga ah iyo sharci toos ah oo shirkadeed oo ay maalgashadayaashu ka heli doonaan ilaalin ku filan iyo faa’iidada maalgashigooda.

Xukuumada Somaliland Ayaa Mudooyinkii u dambeeyay ku dedaalaysay abuurista kaabayaal adkeysi u leh dhammaan maalgashiga Caalamiga ee dhinaca bixinta ammaanka loo baahan yahay iyo Shuruucda kale ee ku taxaluqa dhinaca Maalgashiga.

Bandhige@gmail.com