Agaasimaha Guud ee wasaaradda Xidhiidhka Golleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL ayaa ka qayb gashay Munaasibad loo qabtay arday ka qalin jebisay farsamada gacanta.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Xidhiidhka Golleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL ayaa ka qayb gashay Munaasibad loo qabtay arday ka qalin jebisay farsamada gacanta.

Ardaydan oo ahayd dufcadii labaad ee wax ka barata dugsiga Yool Skill oo lagu barto farsamooyinka gacanta qaybahooda kala duwan, guddoomiyaha dugsiga Yool Skills Cabdifataax Siciid, ayaa sheegay in dugsigan lagu barto xirfado kala duwan, waxaanu tilmaamay in dugsigan ujeedka loo aas aasay uu ahaa si looga jawaabo baahiyaha farsamada gacanta ee dhallinyaradda haysata.

Qaar ka mida ka qayb galayaashi Munaasibadii ardaydan loo sameeyay ayaa u hambalyeeyey ardaydan ka qalin jebisay dugsiga Yool, waxaanay kula dardaarmeen in ay aqoontooda kor usii qaadaan.

Gaba-gabadii agaasimaha Wasaaradda Xidhiidhka Golleyaasha Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf, ayaa kula dardaarantay ardaydii ka qalin jebisay dugsigan Yool in ay aqoontooda kor u qaadaan, isla markaana ay ku shaqeeyaan aqoonta farsamada gacanta ee ay barteen.