Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka ee Maraykanka oo email-kiisii la Jabsaday

Emailka gaarka ah ee uu leeyahay Agaasimaha Haโ€™ayadda Sirdoonka Dibedda ee Maraykanka ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano CIA John Brennan ayaa la jabsaday ka dib markii macluumaad laga helay ay soo bandhigtay shabakadda wikiliiikis.

Xogaha laga helay E-mailka Agaasimaha waxa ka mid ahaa qoraallo qabyo ah oo laga diyaariyey caqabadaha soo foodsaaraya hayโ€™adaha nabadsugidda Maraykanka iyo soo jeedino la xidhiidha sida Maraykanku ula macaamili karo dalka Eeraan.

Shabakaddan soo bandhigta macluumaadka sirta ah ayaa sidoo kale baahisay qorshe qabyo ah oo ku saabsan codsi uu leeyahay, kaas oo xambaarsan macluumaad shakhsi ah oo ay ku jiraan lambarkiisa diiwaanka bulshada ee loo yaqaan Social Security Number.

bandhige@gmail.com