Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Osman Siciid (Somali), Maareeyaha Dekadda Berbera iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Dibada, Iskaashiga caalamiga iyo Safiirka Somaliland u fadhiya South ayaa qaabilay wefti balaadhan oo ka socda Shirkadaha ugu waaweyn dalka South Africa oo kala ah Utho Capital iyo Gohela Construction and Projects.
Shirkadahan oo dalka u yimi Maalgashiga dhinaca Banking Sector iyo Warshadaynta kuwaasi oo warbixino dheeraad ah iyo indho-indhayn ku tagi doona meelaha muhiimka ah ee ku haboon.
Agaasimaha Guud ayaa uga warbixiyay fursadaha maalgashi ee dalka kuwaasi oo ay u furan tahay cid kasta oo diyaar u ah maalgashi isla markaana ay diyaar u yihiin xeerarka iyo siyaasadaha dhiirigalinaya Maalgashiga.