Agaasimihii Xafiiska Maamulka iyo Xidhiidhka Saxaafadda ee Kulmiye oo is casilay

Mustafe Iid Maxamed oo ahaaย Agaasimihii Xafiiska Maamulka iyo Xidhiidhka Saxaafadda eeย Kulmiye ayaa is casilay. Sidaasna wuxu ku sheegay war-saxaafadeed uu goor dhawayd oo caawa ah u qaybiyey saxaafadda, kaas oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay.

Mustafe wuxu iscasilaaddiisa ku saleeyey in uu ku hungoobay isbeddelkii uu ka filayey in Kulmiye dhalin doono, wuxuna raaligelin siiyey Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu sheegay in uu markii hore ka raacay cid aan han fog lahayn, taas oo sida muuqata ulaย jeedo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Hoos ka akhri war-saxaafadeedkii Mustafe Iid oo dhammaystiran:

Aniga oo ah Agaasimihii Xafiiska Maamulka iyo xidhiidhka Saxaafadda ee xisbiga kulmiye ka dib Markii aan soo taabtay ina aanay jirin rajadii isbadal ee xisbiga kulmiye dhexdiisa laga sugayay

Markii aan ku qancay siday waajib waddaniyaย  u tahay ka qayb qaadashadda dadaalada isbadal doon ee dalka ka socda, waxan goโ€™aansaday inaan iska casilo xilkii iyo xubinnimadii xisbiga kulmiye.

Waxaan ka raali- galinayaa Wasiirkii hore ee maaliyadda Md,ย  C/Casiis Maxamed Samaale ย taageeradii aan ka taageeray nin aan hankiisu daaro dhisasho dhaafsiisnayn.

Gabagabadii waxan bulshada reer Somaliland iyo taageerayaashaydaba u cadaynayaa in aanay ilaa hada jirin meel aan si rasmiya ugu biiray , balse aan taladiina ka dib halkaynu ku qanacno inay danta dalka iyo dadku ku jirto aynu taladeena iyo taageeradeenaba la garab istaagi doono. Haygana filina inaan sida raga qaar saq dhexe goโ€™aan gunnaysan idinkaga salaliyo.

ALLAA MAHAD LEH

Mustafe Iid Maxamed

Agaasimaha Xafiiska Maamulka iyo Xidhiidhka Saxaafadda ee Xisbiga KULMIYE.