“Al Jazeera ma geli karto gorgortan” Wasiirka Arrimaha Dibedda Qadar

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Qadar ayaa sheegay in aanay suurogal ahayn in wada-xaajoodka Khaliijka lagu daro xidhitaanka telefishanka Al Jazeera.

Wasiirka oo ka hadlayey shir-jaraa’id oo uu ku qabtay dalka magaalo-madaxda Faransiiska ee Paris ayaa tibaaxay in aanay weli garanayn sababta ay dawlado Khaliij ah iyo kuwo kale xidhiidhka uga goosteen laakiin ay diyaar u yihiin in ay kala xaajoodaan wax kasta oo suurto gal ah.

Wasiirku wuxu meesha ka saaray in telefishanka Al Jazeera uu wada xaajoodka ku jiri karo isagoo tibaaxay in telefishanku yahay arrimaha gudaha ee dalka sidaas daraadeedna aan laga wada hadli karin.

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in madax-bannaanida saxaafaddu ay ka mid tahay waxyaabaha dalkiisa iyo duniduba ay qiimeeyaan sidaas daraadeedna aanay suurtogal ahayn in la xidho Al Jazeera.

Sucuudiga, Masar iyo Joordan ayaa albaabada u laabay xafiisyadii ay Al Jazeera ku lahayd waddamadooda iyagoo ku tilmaamay saxaafad u hiilisa isla markaana buunbuunisa argagixisada.

Al Jazeera oo la aasaasay 1-dii November 1996 waxay ka mid tahay warbaahinta dunida ugu waaweyn iyadoo 80 xafiis ku leh dacallada dunida.

Xogaha qaar ayaa tibaaxaya in sababta ugu weyn ee loo go’doominayo Qadar ay tahay colaad ay waddamada awoodda badan ee Khaliijku u qaadeen Al Jazeera.

Bandhige@gmail.com