Al-Shabaab oo hadalladii Donald Trump u adeegsatay filim borobagaandho ah oo ay ciidan cusub ku qoranayso

 

Wargayska caanka ah ee The Guardian ee ka soo baxa cariga Ingiriiska ayaa maanta daabacay war dunida soo jiitay oo ah in ay Al-Shabaab baahisay muuqaalo hor leh oo ay ku qoranayso askar iyo taageerayaal fuliya qorsheyaasheeda.

Muuqaalkan ugu dambeeyey waxa ka dhex muuqda Donad Trump oo leh “Waa in aan muslimiinta loo oggolaan in ay Maraykan cagaha soo geliyaan.” Muuqaalka kaas ka horreeya ee ay Al-Shabaab filimkeeda ku dareen waa hoggaamiyihii Al-Qaaciidada Yemen Anwar al-Awlaki oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku 2011-kii ku dileen Yemen.

Filim-ku wuxu muujinayaa Sheekh Anwar Al-Awlaki oo leh “Caddaalad-darrada Maraykanka ka jirta Muslimiinta waxa u bannaan oo kaliya in ay ka tagaan Maraykanka ama ku dhex dagaalamaan” kadibna filimku wuxu muujinayaa Donald Trump oo leh “Muslimiinta waa in aan loo oggolaan in ay Maraykan yimaadaan.”

Filim-kan waxa Jimcihii shalay Twitter-ka ku baahisay xafiiska Al-Shabaab u qaabilsan warbaahinta ee la yidhaa al-Kataib Media Foundation. Sida muuqata filimka waxa loogu talo galay in lagaga qiiraysiiyo dhallinyarada muslimiinta ah si ay Al-Shabaab ugu soo biirraan amaba meelaha ay ku nool yihiin oo Maraykanku ugu horreeyo ay weerraro aargoosi ah uga fuliyaan.

Hadalladii uu dhawaanta yidhi Donald Trump waxa aad u dhaliilay in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Maraykanka kuwaas oo sheegay in ururrada xagjirka ah ee Islaamku u adeegsan doonaan borobogaandho ay Maraykanka ku waxyeeleeyaan.

Al-Shabaab oo si aan naxariis ahayn uga hawlgasha Soomaaliya waxay riyadeedu tahay in ay kaga takhalusto xukuumadda Soomaaliya si ay maamul adag oo Islaami ah ugu soo rogto waxay weerraro horey ugu qaadday Kiiniya, Yugaandha iyo Itoobiya.

Bandhige@gmail.com