Al Xasan Ouattara oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Ivory Coast

Madaxweynaha talada dalka Ivory Coast haya ee 73-jirka ah Al Xasan Ouattara ayaa la xiijiyey in uu shan sanno oo dambe sii hayn doono kadib markii uu ku guulaystay ku dhawaad 86% codadkii la dhiibtay.

Madaxweyne Al Xasan Ouattara wuxu talada dalka la wareegay 2010-kii kadib markii uu kursiga ku fuulayey doorashadii ay isaga iyo madaxweynihii hore Lauren Bbagbo ku murmeen ee 3000 kun ee qof ay ku dhinteen.

Qofkii isaga ku soo xigay ee mucaaridka ugu muhiimsanaa Ra’iisal-Wasaarihii hore ee dalkaas Pascal Affi N’Guessan oo hoggaamiyaha xisbigii caanka ahaa ee Lauren Dbagbo magaciisana la yidhaa Ivorian Popular Front.

Alassane Ouattara oo intii uu talada dalka hayey waddankiisu xasiloonaa ayaa la filaya in uu wax ku daro dhaqaalaha dalkiisa.

Bandhige@gmail.com