Ammaanka magaalada Boorama oo maanta aad loo adkeeyey

????????????????????????????????????

Iyadoo uu maanta Boorama ku sugnaa Madaxweyne Siilaanyo si uu uga qayb-galo xafladdii qalinjebinta Jaamacadda Cammuud ayaa ciidamo aad u fara badan maanta  la keenay waddooyinka iyo suuqayada magaalada Boorama kuwaas oo intii uu madaxweynuhu aanu iman iyo intii uu joogayba ka dhigay goobo ama wadooyin badan meelo aan la marin karin.

Waxaa la dareemayey in sugidda amnigu ay maanta lahayd xasaasiyad gaar ah iyada oo lagu sheego in ay ka jiraan gobolka Awdal mucaarad hubaysan kuwaas oo falal ama hawlgalo ka  fuliyey meelo kala duwan oo gobolka ka mid ah.

Waxyaabaha maanta cusbaa waxaa ka mid aha aintii ay socotay xafaladda qalinjabintu ma aanay shaqeynayn mobilladu hoolka lagu qabtey xafladda dhaxdiisa, taasina kolay waxay ka mid ahayd arrimaha amniga lagu sugaayey magaalada Boorama.

Mar ka mid ah intii ay xafladdu socotay ayaa ciidanka sirdoonku arkeen nin moobilkiisa aad ugu mashquulay. Markiiba way ka shakiyeen kursigii uu fadhiyeyna way ka kaxeeyeen waxayna ula baxeen dibedda.

Inkasata oo aanay jirin soo dhawayn balaadhan oo lagu talo galay haddana wafdiga madaxweynaha la socday waxa ay iska ilaaliyeen in ay maraan badhtamaha magaalada waxaanay mareen waddooyinka qalada yar ee ku yaalla hareeraha magaalada inkastoo markii dambe ee ay soo noqdeen  ay badhtanka magaalada mareen isla markaan ay tageen goobtii qadada loogu diyaariyey.

Intii uu joogay Madaxweyne Siilaanyo wuxu shirar la galay qaybaha kala duwan ee bulshada, hase ahaatee shirarkaas waxa laga ilaaliyey warbaahinta.

Hoos ka akhri warar kan la xidhiidha:

Sidii ay u dhacday xafladdii qalin-jabinta Jaamacadda Cammuud ee Madaxweyne Siilaanyo maanta ka qayb-galay

Madaxweyne Siilaanyo oo ka qayb galay qalin-jebinta Jaamacadda Camuud

Madaxweyne Siilaanyo oo la filayo in uu socdaal ugu ambabaxo Gobolka Awdal

Bandhige@gmail.com