Ammaanka magaalooyinka Masar oo aad loo adkeeyay

Maanta ku beegan tahay sannad guuradii shannaad ee ka soo wareegtay markii uu bilaabmay kacdoonkii Masar ee xukunka lagaga tuuray Xusni Mubaarik oo 29 sanno xukumayey Masar.

Iyadoo maanta laga xusayey Masar kacdoonkii lagu riday Xusni Mubaarik ayaa waxa soo waajahday guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Masar cabsi dhinaca ammaanka, kuwaas oo aad ku arkaysay ciidamo badan baadhayaa guud ahaan dadweynaha.

Ciidamada ammaanka ayaa waxay baadhitaan ku sameeyeen maalmihii u dambeeyey guryo gaadhaya ilaa shan kun oo guri.

Dhinaca kale waxay ciidamada ammaanka xooga saaraan sugidda ammaanka Taxriir Square oo hoy u ahayda mudaharaadayaasha markii uu socday kacdoonkii xukunka laga tuurayey Xusni Mubaarik.

Amnesty International ayaa waxay dawladda Masar ku eedeysay in ay dhaceen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha tan intii uu xukunka qabtay Madaxweyne Cabdifataax Siisi.

bandhige@gmail.com