Amnesty International: Xasuuq baa ka dhacay magaalo ka tirsan gobolka Tigray-ga

Hay’adda caalamiga ah ee Amnesty International ee u doodda xuquuqda aadamaha ayaa shaacisay in ay caddaymo u hayso xasuuq ba’an oo 9kii November ka dhacay gobolka Tigrayga, gaar ahaan magaalada Mai-Kadra (May Cadera) oo ku taalla Waqooyiga Galbeed ee Tigray, meel u dhaw xadka Suudaan.

Sida wararka iyo markhaatiyadu tibaaxayaan, isla markaana ay Amnesty International ku xaqiijisay muuqaalka satalaytka, waxa qoorta laga guray boqolaal qof oo rayid ah iyadoo la adeegsanayo faashash, mindyo iyo walxo kale oo afaysan, kuwaas oo dhaawacoodu ka muuqdo maydadka dadka le’day.

Dadka la laayey ayaa Amnesty ku sheegtay in ay ahaayeen kuuli ka shaqaysan jiray magaalada, waxaanay wararku tibaaxayaan in ay ahaayeen dad aan Tigray ahayn oo ka shaqaysanayey magaalada, haba u bataan Amxaaro sida lagu arkay kaadhadhka shaqada ee ay wateen marxuumiintu.

Amnesty International waxay sheegtay in aanay caddaymo u hayn cidda masuulka ka ah xasuuqa, waxay se sheegtay in farta lagu fiiqayo maleeshiyaad taageero u ah xisbiga TPLF ee ka arrimiya gobolka Tigray-ga.

Khariidad muujinaysa halka ay Mai-Kadra ku taal

Habeenimadii xasuuqu dhacay waxa magaalada ku hareeraysnaa ciidamada Itoobiya kadib markii ay jabiyeen ciidamo daacad u ah Tigrayga. Hase ahaatee ciidamada Itoobiya gudaha uma ay galin magaalada Mai-Kadra ilaa waagu dilaacayey, markii ay magaalada gudaha u galeena waxay arkeen maydadka magaalada dhexdaadsan oo lagu laayey hub aan rasaas ahayn.

Amneysty International ayaa dhinacyda ku dagaallamaya gobolka Tigrayga ugu baaqday in ay sida ugu dhakhsah badan baadhitaan ugu sameeyaan ciddii ka masuulka ahayd xasuuqan, waxayna sidoo kale sheegtay in dhinacyadu ay ka fogaadaan in ficilladooda ay waxyeelo ka soo gaadho dadka rayidka ah, taas oo ah dambi dagaal.

Il-wareed: Amnesty International