Aniga iyo jaarka: Silsilad Ramadaani ah, Sheekh Berberaawi, Q.6aad

Waa xalqaddii 6aad ee silsilad Ramadaani ah oo uu bilaabay Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Berberaawi) oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka, taas oo ugu talo galay in bulshada af-Soomaaliga ku hadaashaa ay Ramadaanta la socdaan kana bogtaan. Qaybtan maanta sheekhu wuxu uu ugu magac-daray “Aniga iyo jaarka.

Silsiladdani waxa ay ku saabsan tahay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin akhlaaqda qofka Muslimka ah; ha noqoto xidhiidhka uu Illaahay la leeyahay, Rasuulka SCW, samofalka waalidka, Qur’aanka iyo mowduucyo kale oo muhiim ah, kuwaas oo aad si joogto ah ula socon doontaan inta lagu gudo jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Sh. Cabdillaahi Xasan Xaashi (Berberaawi) waxa uu aqoontiisii heerka jaamacadeed ku soo qaatay waddanka Yemen, wuxuna hadda imaamka iyo khadiib ka yahay Masaajidka Ansaar oo ku yaalla Hargeysa. Waxa kale oo uu Sheekhu bare sare ka yahay kulliyadaha barashada Shareecada Islaamka ee jaamacadaha waddanka. Sidoo kale, sheekhu waxa uu masaajiddada Hargeysa ka dhigaa duruus xidhiidh ah oo ku saabsan cilmiga diinta, gaar ahaan xadiiska, caqiiqada iyo duruus kaleba.

Sheekh Berberaawi waxa uu dedaal xoog leh ku leeyahay baraarujinta bulshada ee dhinaca diinta, waxana uu muxaadarooyin joogto ah iyo waanooyin ku qabtaa gobollada iyo degmooyinka waddanka.

Bandhige wuxu idiin soo gudbinayaa haddii Alle idmo qaybaha silsiladdani ka kooban tahay. Wixii aad su’aalo u haysaan sheekha ku soo hagaajiya bandhige@gmail.com si aanu jawaabaha dib idiinku soo dirno haddii Alle idmo.

Daawasho wacan.