Aqalka sare ee Brazil waxay xilkii ka qaadeen Madaxweeyne Dilma Rousseff

Aqalka sare ee Brazil ayaa waxay u codeeyeen in laga qaado xilka madaxweyne Dilma Rousseff, taasi oo muddooyinkii u dambeeyey la soo darseen kacdoon aad u xoogan.

Lixdan iyo kow xildhibaan oo ka mid ah siddeetan iyo kow xildhibaanada aqalka sare ayaa Rousseff ku helay danbi in ay jabisay sharciga, kadib markii ay badashay miisaaniyada laba sanno ka hor si ay u qariso lacagta miisaaniyada oo yar.

Madaxweyne-ku-xigeenkeeda, Michel Temer oo xilka hayay tan iyo bishii May, ayaa la filayaa in xilka lo dhaariyo maanta.

Rousseff, oo ah madaxweynihii ugu horeeyay oo dumar ah ee dalka Brazil waxay sheegtay in dacwada ay tahay inqilaab ay samaynayaan siyaasiyiinta garabka midig.

bandhige@gmail.com