Aqoonyahan Maxamed Cali Bille wuxu isbar-bardhig ku sameeyay Barnaamij-Siyaasadeedyada ee Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI

 

Aqoonyahan Maxamed Cali Bile oo kamid ah saraakiisha xisbiga KULMIYE, ayaa bayaamiyey farqiqa muuqda ee u dhexeeya Barnaamijyada KULMIYE iyo WADDANI, waxana uu bulshada u caddeeyey qaladaad aan maanka geli Karin oo ku jira buug-siyaasadeedka xisbiga WADDANI.

Aqoonyahan Maxamed Cali Bile waxa uu tilmaamay Bannaamij-siyaasadeedka KULMIYE tiro ahaan iyo tayo ahaanba aad uga wacan yahay midka WADDANI, waxaanu yidhi:

“Barnaamijka xisbiga KULMIYE waxa uu ka kooban yahay Toddoba tiir, ka WADDANI-na waxa uu ka kooban yahay Lix Tiir, haddii aad is-barbar dhigtona mid kali ah ayey iskaga mid yihiin oo ah sida looga baxayo saboolnimada, lixda tiir ee kale KULMIYE soo dhigay iyo barnaamij-ka WADDANI meelna iskaga soo galaan.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa aqoonyahanku dul istaagay dhaleelo tiro-dhaaf ah oo uu xambaarsan yahay Barnaamij-siyaasadeedka WADDANI iyo qodobbo aan isla jaanqaadi Karin oo la is dhexgeliyey, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Haddii aad tiirka koowaad ee WADDANI eegtona waxa uu kusoo bandhigay saddex qodob oo kala ah nabadda, Ammaanka iyo xidhiidhka caalamiga ah, aadna waan ula yaabay sababta oo ah waxa ay isku dareen wasaaradihii arrimaha dibadda iyo gudaha oo siyaasaddii arrimaha dibadda iyo ictiraaf-raadintii iyo Jeelashii isku tiir baa laga dhigay, Booliskii wasaaraddii arrimaha dibadda isku tiir baa laga dhigay, wayna igu adkaatay inaan fahmo sababta uu hal tiir uga hadli karo arrimaha dibadda iyo gudaha, annaguna halkaas aad baanu ugu kala duwanahay.”

Aqoonyahan Maxamed Cali Bile waxa uu xusay in Barnaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE lagu bayaamiyey halbeegyo cayiman oo uu hirgelin doono, isla markaana lagu caddeeyey wax kasta oo la qaban doono iyo halka wixii la qabto la gaadhsiin doono, balse uu Barnaamijka WADDANI waxaas oo dhan ka arradan yhay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi:

“Barnaamijka xisbiga KULMIYE tiir kasta oo uu ka hadlayo waxa uu ku darayaa hal-beeg, waxana uu leeyahay intaas oo Dugsi baanu dhisaynaa oo intaas oo ceel baanu qodaynaa, laakiin Barnaamijka WADDANI marka saddex meelood laga tago meel kaliya oo halbeeg aad barnaamijkaas ku qaadi kartaa kuma jirto, tusaale ahaanna waxa uu ku odhanayaa wax kasta kor baa loo qaadayaa, taasina waa Afkii suuqa oo kaliya, haddii aanad halbeeg sheegi karina way adkaanaysaa.”

Aqoonyahanku waxa uu bulshada reer Somaliland si farshaxannimo leh u hogo-tusaaleeyey farqiga guud ee u dhexeeya xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE iyo doorka taariikhiga ah ee xisbul-xaakimka KULMIYE ku leeyahay jiritaanka WADDANI, waxaanu yidhi:

“Barnaamijka xisbiga KULMIYE waxa la bilaabay dhawr iyo toban sano ka hor oo ahayd markii xisbigu usoo tartamayey doorashada qaybtii hore, laakiin midka WADDANI waxa la qoray sanadkii 2016-kii, markaa labada Barnaamij midka nashqadda laga eeganayo maan fahmin, marka runta la sheegona KULMIYE ayaa dhalay WADDANI, ballan-qaadkii madaxweyne Siilaanyo, ayuu xisbiga WADDANI ku furmay, markaa xisbiga siyaasaddii KULMIYE ka dhashay inuu maanta yidhaahdo anaa KULMIYE dhalay qalad weyn baa halkaas ku jira.”

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

bandhige@gmail.com