Aragtiyaha Madaxweyne Biixi Iyo Axmed-Siilaanyo Ay Ka Kala Aaminsanyihiin Dulqaadka Iyo Faraqa U Dhexeeya Labadooda Fikir

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad uu jeediyay maalintii Axadii ee toddobaadkan, wuxuu qayb ka mid ah kaga hadlay ‘dulqaadka’ oo uu ku tilmaamay inay walaalo yihiin doqoniimada.

Hadalkaas Madaxweyne Biixi ayaa wuxuu bulshada ka dhex abuuray hadal hayn badan, waxaanay dad badani isweydiiyeen sababta keentay in Madaxweynuhu dulqaadka iyo doqoniimada is garab dhigo.

Madaxweyne Biixi oo khudbadiisan kaga hadlay dadka weerarada u gaysta ciidamada kala duwan ee dalka iyo khasaaraha ka dhasha, ayaa yidhi “Xukuumadu ha dulqaadato dadka hala waaniyo gacan qabow halagu maamulo; laakiin dulqaadka iyo doqoniimadu waa walaalo lama kala saari karo.”

Madaxweynaha khudbadiisa oo ahmiyad lahayd, kana hadlaysay  khasaaraha ka soo gaadha ciidamada dalka weerarada ay dadka qaar u gaystaan oo u baahan xal, ayaa haddana waxa khudbadiisa shiikhiyay kelmada uu isku garab dhigay dulqaadka iyo doqoniimada oo uu weliba yidhi waa walaalo.

Siilaanyo

Madaxweynihii hore ee uu Madaxweyne Muuse Biixi xilka kala wareegay, in badana ay rafiiq ku ahaayeen siyaasadda, ayaa waxa xusid mudan in sannadkii 2015 uu jeediyay khudbad aad moodo inay jawaab u noqonayso khudbada Madaxweyne Biixi ee maanta. Axmed-siilaanyo oo maalintii 18 May ee 2015 jeediyay khudbadaas,  wuxuu dulqaadka ku tilmaamay inaanu ahayn doqoniimo balse uu yahay sahayda siyaasiga suuban, “Sabirka iyo dulqaadku ma’aha doqoniimo, balse, waxaan u aqaan sahayda siyaasiga suuban…” ayuu yidhi Axmed-siilaanyo.

Gunaanad

Si kastaba ha ahaate, waxa muuqata inuu faraq u dhexeeyo hoggaaminta siyaasadeed ee Madaxweyne Biixi iyo saaxiibkii Axmed-siilaanyo oo door libaax ka qaatay inuu ku guulaysto doorashadii 2017 dalka ka dhacday.

Hadalka Madaxweyne Biixi ayaa noqday mid bulshadu faaqiday oo ay isweydiisay sababta ka keentay Madaxweynaha isagoo ah hoggaamiyihii dalka. Hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee dunida soo maray ayaa  kuwooda ugu hoggaaminta wanaagsanaa waxay caan ku ahaayeen dulqaadka.

Xigasho: wargeyska geeska afrika