Arday ka qalinjabisay Mac-hadka Farsamada Khayraadka Biyaha

20 arday oo ah difcaddii labaad ee ka qalinjabisay Mac-hadka Farsamada Khayraadka Biyaha ayaa shalay xaflad la isku arkay loogu qabtay xarunta Wasaaradda Khayraadka Biyaha, Hargeysa.

Ardaydani waxay ka kala yimaadeen gobollada Somaliland waxayna mac-hadkan wax ka baranayeen lix bilood.

Kooxda tabobarkan ka faa’iideysatay waxay barteen macluumaadka biyaha iyo guud ahaan xirfadaha la xidhiidha maareynta biyaha waxana iska kaashaday Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland iyo Care International. Waxana la siiyey dhammaan qalabkii ay ku shaqayn lahaayeen.

DSC01802

Wasiirka Khayraadka Biyaha Baashe Cali Jaamac, Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan iyo Wasiir-Xigeenka Waxbarashada Rashiid Ismaaciil Kaahin kuwaad oo dhammaantood hambalyeeyey ardayda una jeediyey hadallo guubaabo iyo dhiirigelin isugu jira.

Mac-hadka Khayraadka Biyaha waxa la yagleelay sannado ka hor si loo soo saaro shaqaalo leh farsamada iyo xirfadda arrimaha la xidhiidha khayraadka biyaha. Difcaddii koowaad oo qalinjabisay lix bilood ka hor waxay ka koobnaayeen 12 arday, tabobarkooduna wuxu socday sagaal bilood.

DSC01808

DSC01813

 

Bandhige@gmail.com