Ardayda Jaamacadda Cammuud oo si weyn loogu soo dhaweeyey Berbera

Qayb ka mid ah ardayda sannadkan ka qalinjabinaysa Jaamacadda Camuud, gaar ahaan Kulliyadda Maamulka iyo Maareynga Ganacsiga, oo booqasho ku joogay magaalo-xeebeedka Berbera ilaa Khamiistii ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Berbera.

Ujeeddada safarka ardayda ayaa ah in ay indhahooga ku soo arkaan qaabka wax loo maamulo iyo sida ay u shaqeeyaan xafiisyadu taas oo markii hore ay buugaagta uun ku dhigan jireen. Gaar ahaan waxay aqoon dheeraad ah ka soo korodhsanayeen hannaanka dhoofinta iyo soo dejinta iyo Dekedda Berebra iyo Haamaha Kaydka Shidaalka.

Waftiga ardayda waxa hoggaaminaya Ku-Xigeenka Jaamacadda Camuud ee Xidhiidhka Dadweynaha Prof. Diiriye Maxamuud Jaamac iyo Hormoodka Kulliyadda Maamulka iyo Maareynta Ganacsiga Prof. Cabdisamad Cige Habane.

Intii ay ardaydu Berbera joogeen waxay soo mareen meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin Haamaha Kaydka Shidaalka iyo Dekedda Berbera.

Maareeya Kaydka Haamaha Shidaalka Sheekh Saleebaan Cali Siciid ayaa ardayda warbixin ka siiyey qaabka uu u shaqeeyo xafiiska iyo horumarka ay sameeyeen. “Meeshan garanwaaga ayaa ka bixi jiray, maantana waad arkaysaan horumarka ka muuqda” ayuu yidhi Saleebaan.

Dhanka kale Kulliyadda Maamulka iyo Maareynta Ganacsiga ee Jaamcadda Cammuud ayaa shahaad-sharaf guddoonsiisay Maareeyaha Kaydka Haamaha Shidaalka iyagoo ku maamuusay hannaan-xisaabeedka caalamiga ah ee laga hirgeliyey Kaydka Haamaha Shidaalka halkaas oo arday Jaamacadda Cammuud ka tirsani ay ka faa’iideystan qaab-xisaabeedkan muddo laba bilood ah oo ay layli-shaqo ku qaadanayeen.

Mareeyuhu wuxu Jimcihii ardayda casho-sharaf ugu sameeyey Maansoor Hoteel, Berbera.

Sido kale waxa ardayda hadal dhiirigelin ah u jeediyey Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar isagoo oo inta badan ku wehelinayey meelaha ay ardaydani booqdeen.

Ardaydan ayaa la filayaa in ay maalmo sii joogaan Berbera si ay u soo kordhistaan waayo-aragnimo dheeraad ah.

Halkan ka daawo faahfaahin dheeraad ah:

 

bandhige@gmail.com