Ardayda Kuuliyadda Xisaabaadka ee jaamacadda Alpha ayaa munaasibad u sameeyay macalimiinta iyo maamulka Jaamacadda Alpha.

Waxa munaasibadan kasoo qayb galay maamulka Jaamacadda Alpha,macalimiinta jaamacaddaas,arday iyo marti sharaf kale oo tiro badan,waxaana ugu horayn halkaas ka hadlay mid kamid ah ardayda Kuuliyadda Xisaabaadka ee Jaamacadda Alpha oo iyagu munaasibadan soo agaasimay, waxaanu tilmaamay in cidda ay tahay in ay faanaan ay yihiin macalimiinta kusoo tacabtay,isla markaana wax soo bartay ardaydan,waxaanu uga mahadceliyey macalimiinta iyo maamulka Jaamacadda Alpha,gaar ahaana kuuliyadda Xisaabaadka tacabkii ay geliyeen ardaydaas.

Hormuudka Kuuliyadda Xisaabaadka ee jaamacadda Alpha iyo xubno kamid ah macalimiinta wax ka dhigta Kuuliyadda Xisaabaadka ee Jaamacadda Alpha, waxaanay si weyn ugu mahadceliyeen ardaydii soo agaasintay munaasibadan.

Waxa isna halkaas ka hadlay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Alpha, waxaanu kula dardaarmay ardaydan in ay isku duubnaadaan,isla markaana ay iska war hayaan.