Ardaygii kaalinta koowaad u galay tartanka Qur’aanka Kariimka ee Al-maahir Bil Qur,aan oo Hargaysa si balaadhan loogu soo dhaweeyey

Waxa maanta madaarka Hargeysa lagu soo dhaweeyey Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi oo ah wiil 12-jir waxna ka barta Madarasadda Daarul Huda oo kaalinta koowaad u galay tartanka xifdiga qur’aanka kariimka ah ee Al-maahir Bil Qur’aan oo 8 sannadood ee ugu dambeeyey lagu qabanayey Jiddah ee dalka sucuudiga.

Tartankan oo socday muddo shan cisho ah ayaa waxa soo qaban qaabisay ha’yada caalamiga ah ee tartanka Qur’aanka Kariimka waxaana kasoo qayb galay 30 arday oo ka kala socday 15 dawladood.

Soo dhaweynta Cabdirisaaq ayaa waxa kasoo qayb-galay Wasiirada Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Iyo Shaqada Iyo Arimaha Bulshada, masuuliyiin hore, xildhibaano, salaadiin, waalidka dhalay ardayga, Maamulka Iyo Macalimiinta Madarasada uu dhigto iyo marti-sharaf kale

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulsaha Cabdi Aw Daahir oo ka hadlaya soo dhaweynta ardaygan kaalinta koowaad u galay tartanka Qur’aanka kariimka ee caalamiga ayaa sheegay inaynu fadli wanaagsan iyo karaamo qiimo leh aynu wada yeelanayno sharaftaa uu maanta soo hooyey wiilkaas da’dayari, wuxuu sidoo kale u mahad-naqay wasiirka diinta iyo aw-qaafta dadaalka uu ugu, kor-uqaadista quraanka kariimka ah.

Ugu danbayntii waxaa ka hadlay wasiirka diinta iyo aw-qaafta Sheikh Khaliil ayaa ka waramay qiimaha iyo muhiimada waddan ahaan uu inoo leeyahay guusha Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi uu ka soo hooyey tartankan Xifdiga Qur’aanka ee adduunka.

Waxa kale oo u hadalkii ku daray

“Dawlad ahaan waanu sharfi doonaan ardaygan iyo macalimiintiisaba maadaama ay sharaf u soo hooyeen qaranka,  ardaygan macalimkiisana waxaan u aqoonsaday macallinkii sanadka maadaama uu ardaygiisii kaalinta koowaad u galay tartan heer caalimi ah”.

Gebo gebadii waxa ka hadlay Cabdirisaaq, waxaanu yidhi

“marka koowaad waxaan u mahad-naqayaa ilaahay, marka labaadna waxa aan u mahadnaqayaa dadka ka soo qayb-galay soo dhawayntayda, haddii aan ka hadlo dareenkayga dareenkaygu maanta wuu fiican yahay, tartankan waxa ii sahlay in kaalinta galo dadaalkayga iyo dadaalka macallinkayga”.

Ardaygan kaalinta koowaad ka galay tartanka Qur’aanka kariimka ee caalamiga ahi waa kor u qaadi doonta hiigsiga ardayda reer somaliland inay ka qayb galaan tartamo noocan oo kale ah.

bandhige@gmail.com