Askari Hargeysa ku toogtay wiil yar oo maxbuus ahaa, Jamaal Cali Xuseen oo ku dhalliilay xukuumadda

Musharaxa Madaxweyneha xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo waraysi gaar ah siiyey STAR TV ayaa ka qayliyey dilalka dhawaanahan ku soo noqnoqday Somaliland.

Jamaal wuxu sheegay in loo baahan yahay in sharciga dadka si siman loogu dhaqo. Wuxu is barbardhigay askarigii dilay ganacsade Gacma-dheere oo markiiba xukunka dil ah lagu fuliyey iyo askarigii dilay Ina Axmed Jabaan oo aabihii ka mid ahaa halgamaagii SNM oo ilaa hadda aan la garanayn cidda amarka bixisay iyo cidda loo raaci karo.

Jamaal wuxu sidoo kale xukuumadda aad ugu dhaliilay in wiil maxbuus ahaa oo ku jiray gacanta ciidanka ammaanka lagu dhex toogto isla saldhiggii bilayska ee uu ku xidhnaa.

Wiilkan ayaa wararku sheegayaan in uu ku xidhnaa saldhigga Ibraahim Koodbuur markii ay maanta xabaddu ku dhacday. Taliska boolisku wali war rasmi ah kama soo saarin sidii shilkani u dhacay iyo sababta keenta in maxbuuskani uu ku baxo gacanta ciidanka ammaanka.

Jamaal Cali Xuseen wuxu tacsiyeeyey dadkii dhawaanahan wax ku noqday gacanta ciidanka ammaanka oo ay ka mid ahaayeen saraakiishii todobaadkii ina dhaafay lagu toogtay Boorama. Wuxuna xukuumadda u soo jeediyey in ay ciidanka tabobar dhinaca xirfadda ah iyo tabobar dhinaca farsamada ah siiso si aanay mar dambe u dhicin in ay askartu madaxa ka toogtaan wiil yar oo dhagax tuurayey.

Hoos ka daawo muuqaalka Star TV ee waraysiga Jamaal.