Askari rasaas ku furay xerada hub-ka-dhigista Boorama

Saaka subaxnimadii hore ayaa magaalada Boorama waxa ay ku waabariisateyย  askari ka tirsan xerda hub-ka-dhigista eek u taala galbeedka magaalada gaar ahaanaย  Sayladda xoolaha agteeda halkaas oo rasaas xoog leh ay hal mar ka dhacdey waxaana la sheegay in rasaastaas uu isla markiiba ku geeriyoodey Xiddigle Faarax Caraale oo askarta xeradaas ka tirsanaa halka uu dhaawac halis ahi ka soo gaadhay Kornayl Xasan Caqli Cali oo aha ataliyaha ciidmada galbeedka Soomaaliland kaasi oo isl amarkiiba loola cararay cusbitaalka Alaale hasa yeeshee mar danbe loo wareejiyey Cusbitaalka kale ee la yidhaahdo Al Xayaad halkaas oo dhakhaatiirtu in mudo ah isku dayayeen in ay wax ka qabtaan.

Laakiin galabta waxaa soo caga dhigatey diyaarad gaar ah taasi oo sida warbaahinta bandhige.com loo xaqiijiyey lagu qaadayo sarkaalkaa dhaawaca ah kaasi oo sida Dr.Cusmaan iyo Dr. Mustafe oo ka mid ahaa dhakkaatiirtii saaka daweysay sarkaalka in uu ka dhaawacan yahay gacanta oo ay ka dhax baxdey iyo sababka oo ay dhax fadhiisatey waana ta ugu daran.

Boorama

Gacan ku dhiiglaha gaysatey falka toogashada ah ayaa isla markiiba gacanta lagu dhigay sida uu warbaahinta u sheegay gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Calai Sulaymaan ( Ramaax) waxaana la sheegay in maskaxada looga jiro askari falkan gaysatey taasi oo aan la kala cadayn in ay ku soo boodo ahayd iyo in uu xanuunkan horey u qabay.

Waa markii u horeysey oo fal noocan oo kale ah uu ka dhaco xeradana oo inta badan askarta joogtaa ay yihin kuwo magaalada degan oo badanaa aan guur guurin isla markaana u badan rag waaweyn oo ciidankii hore u badan