Askarta Israa’iil ayaa toogasho ku dishay nin Falastiini ah kadib markii uu sarkaal Yuhuudi ah toori la dhacay

Nin Falastiini ah ayaa tooriyeey sarkaal Israa’iili ah oo joogay bar kantarool oo ku taalla Daanta Galbeen ee Falastiin oo ay xoog ku haysato xukuumadda Yuhuuddu.

Falastiinigan la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Rafiiq Taaj. Wuxu ahaa 21-jir ka soo jeeday deegaan Nablus.

Isla markii uu toorayda ku bilaabay sarkaalka Israa’iili-ga ah ayaa isagana waxa toogtay askari Yuhuudi ah oo dhabarka ka xigay. Waxa ku dhacay shan xabadood oo si xun u dhaawacay, kadibna wuxu u qudh-baxay dhaawicii soo gaadhay.

Bisha Cas ayaa sheegtay in ay ku dedaalaysay in ay badbaadiso nolosha Rafiiq Taaj, laakiin ay u suurogeli wayday dhaawiciisa oo xumaa darteed.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas ayaa falkan ku tilmaamay mid gef ah isla markaana sheegay in uu ka mid yahay falalka cadownimada ah ee ay Yuhuuddu beryihii u dambaysay kula kacaysay Falastiiniyiinta.

Daanta Galbeed waxa beryahan damb ka oogan xammaasad cirka isku shareertay kadib markii 31-kii July ay koox xag-jir ah oo Yuhuud ahi ay nolosha ku gubeen qoys reer Falastiina. Waxa markii hore ku geeriyooday ilmo 18 bilood jiray, markii dambena waxa ka daba dhinta aabihii oo uu jidhkiisu gubtay 80%.

Laba maalmood ka hor ayay ahayd markii nin Falastiini ahi uu isla Daanta Galbeed ku tooriyeeyey askari Israa’iili ah, kaas oo ay isagana toogteen ciidamada ilaalada Israa’iil. Hase ahaatee isagu uma geeriyoon toogashadii loo gaystay oo weli waa dhaawac.

Bandhige@gmail.com